Puntland oo ka jawaabtay Qorshihii ay Somaliland ku wergelisay Caalamka

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni

Garoowe (Aftahannews)- Maamul goboleedka Puntland, ayaa markale ku celisay in ayna qeyb ka aheyn dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, iyada oo waxba kama jiraan ku sheegtay eedeymaha uga imanaya Somaliland.

Somaliland, ayaa beesha caalamka la wadaagtay in maamulka Puntland uu qorsheynayo weerar ka dhan ah ciidamada Somaliland, islamarkaana ay duulaan kusoo yihiin ciidamadooda ku sugan gobolka Sool.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland, ayaa waxaa lagu sheegay in Puntlland marwalba ay qadarinayso in Soomaalida dhexdeeda iyo gobolkuba kuwada noolaadaan nabadgelyo, xasilooni iyo daris wanaag, wixii khilaaf ahna lagu xaliyo miiska wada-hadalka.

“Dowladda Puntland waxay markale cadaynaysaa mowqifkeedii ahaa in aanay qayb ka ahayn, ciidamadeeduna ku jirin dagaalka ka socda Laascaanood iyo Deegaanada ku xeeran.”

Puntland, ayaa waxay sheegtay in dagaalka socda mudada ku dhow hal bil uu u dhaxeeyo oo kali ah dadka deegaanka iyo Somaliland, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay maamulka.

“Cid kasta oo kale oo ay Somaliland dagaalka ku eedayso waa marin habaabin iyo marmarsiiyo kale oo ay rabto in ay ku sii waddo xasuuqa dadka shacabka ah.”

Sii socoshada dagaalka Laascaanood, ayaa waxa uu maamulka Puntland sheegay in waxa kaliya oo ka dhalan kara yihiin masiibo bini’aadantinimo iyo mid amni oo saamaysa gobolka oo dhan iyo Soomaalida dhexdeeda.

“Colaadda gobolka Sool ee keentay dhimashada, dhaawaca iyo burburka xad-dhaafka ah masuuliyaddeeda waxaa iska leh Somaliland, nabadduna waxay ku iman kartaa iyadoo ciidamadeeda gobolka kala baxda, dadka deegaankana u ogolaata in ay iyagoo xor ah oo nabad ah ayaahooda ka tashadaan.”

Somaliland, ayaa beesha caalamka ku wargelisay haddii uu weerar dhaco in masuuliyadeed qaadan doonaan maamulka Puntland, kadib markii ay sheegtay inay heshay xog ku saabsan in ciidamada Puntland ay duulaan ku soo yihiin ciidamadooda.

“Waxaan u soo jeedinaynaa beesha caalamka iyo QM inay arrintaas cambaareeyaan gardaro aan cudur daar lahayn, laguna taageerayo xaqa ay Somaliland u leedahay difaaca. Haddii weerar dhaco waxaa masuuliyadeeda qaadi doona maamulka Puntland, lagulana xisaabtamayo falalkooda.”