Saleebaan Xagla-toosiye oo shaaciyay inuu isaga baxay Siyaasadda Somaliland

Buuhoodle (Aftahannews) – Siyaasiga Saleebaan Ciise Axmed Xagla-toosiye oo ahaa Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Shacabka Somaliland, ayaa waxaa uu sheegay in uu ka baxay siyaasadda Somaliland.

Xagla-toosiye oo u waramay Somali American Tv, isagoo ku sugan magaalada Buuhoodle, ayaa waxaa uu sheegay in siyaasadda Somaliland uu uga baxay colaada ka taagan magaalada Laascaanood darteed.

Waxaa uu sheegay in xukuumadda Somaliland ay magaalada Laascaanood ka gaysatay tacadiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, sida darteedna aanu ka sii mid ahaan karin Somaliland, sida uu hadalka u dhigay.

Saleebaan Xagla-toosiye, ayaa xukuumadda Somaliland ku eedeeyay in ay iyadu soo xidhay jidkasta oo nabad lagu gaadhi lahaa, isla markaana ay shacabka u isticmaashay awood ciidan oo aan loo meel dayin, waa sida uu ku doodee.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in wax laga xumaado ay tahay in xukuumadu ay dadka ka dagaalamaya Laascaanood ku tilmaanto argagixiso.