“Waxaynu aragnay Garaad Dadkiisii iyo Dalkiisii-ba Gubaya…”

Hargeysa (Aftahannews)- Caaqil Cabdiqaadir Jaamac Cawaale, oo ka mida Madax-dhaqameedka Somaliland, ayaa baaq nabadeed u diray Garaadadda, Odayaasha, iyo qaybaha kala duwan ee bulshadda gobolka Sool, oo uu ugu baaqay in dagaalka joojiyaan nabadda na ay qaataan.

Caaqil Cabdiqaadir Jaamac Cawaale, oo warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargeysa, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay baaqyadda colaadeed ee qabiilaysan ee ka soo yeedhaya madax Garaadadda, iyo madax-dhaqameedka kala duwan.

Waxaanu sheegay Caaqilku, in aan madax-dhaqameedka lagu aqoon hurinta colaadda dadka walaalaha ah, iyo kaal fogaynta bulshadda, balse in hadda la arkay Garaad dadkiisii iyo dalkisii ba gubaya.

Taasoo uu Caaqil C/qaadir, ku tilmaamay arrin ceeb, iyo fool-xumo ku ah Garaadada Sool, isla markaana ay tahay dhacdo cusub oo ugub ku ah madax-dhaqameedka, kuwaasoo ka talin jiray nabada, iyo isku soo dhawaynta dadka.

Caaqil Cabdiqaadir Jaamac Cawaale, ayaa ugu horayn waxa uu baaqiisa u diray bulshadda gobolka Sool, kuwaasoo uu ku guubaabiyay in ay ogaadaan in ay yihiin dad reer Somaliland, isla markaana dalaka, iyo dowladnimadda aan laga sheegan karin.

Geesta kale, Caaqil C/qaadir Jaamac, ayaa ka hadlay madax-dhaqameedka colaadda dadka walaalaha ah kala dhex dhigaya, tallaabadaasi oo uu sheegay in aan lagu aqoon madax-dhaqameedka.

Dhinaca kale, Caaqil C/qaadir Jaamac Cawaale, ayaa ciidamadda qaranka Somaliland ku boggaadiyay sida ay u xakamaynayaan awoodoodda ciidan, isla markaana aan looga soo sheegaynin wax falal anshax xumo, iyo denbiyo ah oo ay ku kaceen.

Waxaanu tilmaamay in ciidamadda qaranka Somaliland ay yihiin ciidan sharaf leh, oo qiimo leh, isla markaana aan ay yihiin ciidanka aan weligood la arag qof wax dhacaya, mid wax dhibaya, iyo mid wax dillaya, ama mid wax fuksanaya.