Odayaasha Beelaha Dir oo Somaliland garab ku siinaya Dagaalka Laascaanood

Muqdisho (Aftahannews)- Odayaasha iyo Waxgaradka dhaqanka ee Beelaha Dir koonfureed Soomaaliya oo maanta shir ku yeeshay magaaladda Muqdisho, ayaa soo saaray baaq ay kaga hadleen arrinta Laascaanood ka taagan.

Odayaasha iyo Waxgaradka Beelaha Dir, ayaa waxaa ay shaaciyeen in ay dalka Somaliland garab ku siinayaan dagaalka ka socda magaaladda Laascaanood ee xarrunta gobolka Sool.

Waxaanay sheegeen Odayaasha dhaqanka Beelaha Dir koonfureed ee Soomaaliya ku sugani in xaaladda magaalada Laascaanood la iskugu soo baahaystay Somaliland.

Iyagoona xusay in ay aad uga xun yihiin oo ay canbaaraynayaan, fekerka cunsuriyadda, iyo xumaanta ku dhisan ee ay ka iclaamiyeen dhibaatadda Laascaanood ka taagan ay ku wajaheen garaadada, siyaasiyiinta, iyo guud ahaan dhaqanka beelaha Daarood.

Waxaana ay sidoo kale sheegeen in dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ay ku jiraan Kooxo ka tirsan Al-Shabaab iyo Daacish oo tiradoodu dhan tahay 600 oo dagaalyahano ah.