Maayerka Laascaanood oo Shaaciyey Khasaaraha Dagaalku Sababay, Puntland-na Difaacay

Laascaanood (aftahannews):- 210 Qof, ayaa ku dhintay dagaalka Laascaanood ka socda,  680 Qof oo kalena way ku dhaawacmeen, siduu maanta Warfaafinta u sheegay Maayerka magaalada Laascaanood, waxaanu intaa ku daray inay illaa laba Boqol oo Kun oo Dad ahi ka barokaceen magaalada.

Maayerka Cabdiraxiin Cali Ismaaciil, ayaa faahfaahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay dagaalka, waxaanu sheegay in boqollaal Qof ku dhinteen, isla markaana ay Laba Boqol oo Qof ku barakeceen dagaalka.

“Waxa ku dhintay dad shacab ah oo gaadhaya 210, waxa dhaawacmay 680 qof, waxa barakacay 200,000 oo Qof, waxa burburay 715 guri, waxa xidhmay 16000 oo ganacsi, waxa la jaray biyihii, waxa la weeraray xaruntii laydhka.” Ayuu yidhi Cabdiraxiin.

Waxa uu sheegay in ay dhibaato soo gaadhay xafiisyada Xukuumadda iyo Cusbitaalka wayn ee Laascaanood oo qaybo ka mid ahi burbureen, waxa kale oo uu Ciidammada ku eedeeyay in ay bililiqaysteen guryihii laga qaxay ee magaalada.

Maayerka oo ku hadlayay afka golaha deegaanka Laascaanood, ayaa soo jeediyay 3 qodob oo uu sheegay in ay ka gole deegaan ahaan u arkaan in lagu nabadayn karo magaalada Laascaanood.

“Waxaannu soo jeedinaynaa in Ciidammada Somaliland laga saaro guud ahaan degmada Laascaanood, in shacabka hubaysan laga saaro magaalada gudaheeda, in gargaar bini’adamnimo lasoo gaadhsiiyo dadkii dhibaatadaasi saamaysay.” ayuu yidhi maayar Cabdiraxiin.

Maayerka ayaa dhinaca kale Puntland iyo Al-Shabaab  ka difaacay eedaymo ay Somaliland u jeedisay oo ay ku sheegtay inay Ciidammada Puntland iyo Kooxo Argaggixiso ahi ka garab dagaallamayaan Malleeshiyo Beeleedka hubaysan ee Reer Laascaanood. Maayerka Laascaanood, waxa uu sheegay inaanay Puntland iyo Argaggixiso toona Somaliland kula dagaallamayn, balse keliya dadka deegaanku la dagaallamayaan Ciidanka Qaranka Somaliland, sida uu hadalka u dhigay.