Madaxweyne Siilaanyo oo magacaabis iyo xilka-qaadis cadho keentay sameeyey caawa

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxmed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa caawa xilka ka qaaday Wasiirkii Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Cabdillaahi Maxamed Cumar, waxaanu xilkaas u magacaabay masuul cusub.

bth_Breaking-News

War-Saxaafadeed caawa ka soo baxay xarunta Madaxtooyada Somaliland ee magaalada Hargeysa, oo Xambaarsanaa Digreetada Madaxweynuhu xilka-qaadista iyo magacaabista ku sameeyey oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Aftahannews.com, ayaa u qornaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2516/052014 xilkii uu qaranka u hayey kaga qaaday Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah, isla markaana waxa uu madaxweynuhu wasaaradda u magacaabay Wasiir Cusub.

Ujeedo:          Xil-ka Qaadis Ku:      Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar,  Wasiirkii Hore ee W. Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah: Mudane, Waxa aan aad kuugu mahadinayaa mudadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland. Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in si niyad sami ah aad ugu wareejiso xilka aad haysay Dr. Muuse Qaasim Cumar, oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay.

Magacaabid: MADAXWEYNUHU:- Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo dhismaha Qaranka; Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee JSL;

Markuu Ka Fiirsaday:        Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo; Markuu ku Qancay:           In uu hanan karo xilkan loo magacaabay; Wuxuu go’aansaday: In Dr. Muuse Qaasim Cumar, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland.” Sidaa ayuu u dhignaa War-Saxaafadeedka xambaarsanaa Digreetada Madaxweynuhu magacaabista iyo xilka qaadista ku sameeyey.

Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa ka mid ahaa Xubnaha Wasiirrada Xukuumaddii ugu horreysay ee uu Madaxweyne Siilaanyo soo dhiso markii loo doortay Madaxtinnimada dalka, isagoo markii uu xilka la wareegay maalin ka dib 28-kii July 2010 ku dhawaaqay Liiska Golihiisii Wasiirrada oo uu Maxamed Cabdillaahi safka hore kaga jiray, wakhtigaas oo uu u magacaabay Wasiirka arrimaha dibedda, isla markaana uu xilkaas soo hayey illaa dabayaaqada sannadkii hore oo uu u beddelay Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga caalamiga ah ee Somaliland oo uu caawa ka qaaday.

Maxamed Cabdillaahi Cumar waxa uu ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Guddigii Shir-guddoonka Shirweynihii saddexaad ee Xisbiga KULMIYE bishii hore ku qabsaday Hargeysa, hase-yeeshee, habeen-hore ayaanu ka xaadirin madal ay Xubnihii Guddigaasi ka shaaciyeen Liiska Guddiga Fulinta iyo Xubnaha Golaha dhexe ee KULMIYE oo khilaaf ka dhex-abuurtay Garab ay caawa caddaatay inuu Madaxweyne Siilaanyo hoggaaminayo iyo Garab uu Guddoomiye Muuse Biixi hoggaaminayo oo Xisbigu habeennadan u kala fadhiyey.

Dr. Cumar, ayay Aftahannews u xaqiijiyeen inuu ka mid ahaa Masuuliyiin taageeray Guddoomiyaha KULMIYE oo ku dhawaaqay shirweynihii saddexaad ee bishii hore 29-keedii la soo gabo-gabeeyey ka dib inuu yahay Musharrax Madaxweyne, waxaana ka dib shaacinta Muuse uu Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Siilaanyo Cabdillaahi-Cukuse sheegay inuu Madaxweyne Siilaanyo mar labaad yahay Musharrax u taagan xilka Madaxtinnimada.

Taas ka dib waxaa bilaabmay olole Ajandihii Shirweynaha lagu dhammeeyey wax ka beddelay. Waxaanay Wararka Aftahannews helay ee arrintan la xidhiidhaa tibaaxeen in Maxamed Cabdillaahi Cumar ay galaafatay markii uu la afkaar noqon waayey xubnaha Shirguddoonkii Shiweynaha saddexaad oo iyagoon sharciyadda Xisbiga qaarkeed waafajin ku dhawaaqay Liiska Xubnaha Golaha dhexe iyo Guddiga Fulinta.

Waxaanay Hoggaanka Xisbiga KULMIYE ee ay ka midka yihiin Guddoomiye Muuse Biixi, Ku-xigeenka koowaad Maxamed Kaahin, Xoghayaha guud Xasan Siciid iyo Guddoomiyaha Golaha dhexe ee wakhtigiisu dhammaaday Jaamac Shabeel ay shalay si sheegeen inay arrintaasi sharci-darro tahay oo aanay Xisbi ahaan aqbalaynin ee dib loogu noqonayo Liisaskaas iyadoo sharciga Xisbiga loo raacayo.

Cabdifataax I. Mursal

Aftahaninc@gmail.com

mrmursal@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.