Shirkadda Dhaweeye iyo Wacdarihii ay Muujisay intii Carwada 10aad ee Ganacsiga Somaliland Socotay

Hargeysa (aftahannews):- Shirkadda Dhaweeye ee adeegga Tagaasida iyo noocyada kale ee Gaadiidka, ayaa wacdaro muujisay intii ay socotay Carwada 10aad ee Ganacsiga Somaliland oo toddobaadkii u dambeeyey ka socotay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa oo maanta la soo gebagabeeyey.

Shirkadda Dhaweeye, ayaa intii Carwadu socotay Bulshada u soo bandhigtay qiimo-dhimis, bakhtiyaanasiib Macaamiishu ku guulaysanayeen Safarro bilaash iyo abaalmarinno kale oo dadka soo dhaweeyeen.

Warbixinta oo faahfaahsan waxaan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-