“Laascaanood waxa ka Dhacay Xasuuq.. Madaxweyne Biixi waa inuu fuliyo go’aankii Garaaddada..” CRisaaq Khaliif

Laascaanood (aftahannews):- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa sheegay in Laascaanood ay ka dhaceen xasuuq iyo tallaabooyin Bina-aadaminnimada ka dhan ah tan iyo intii uu dagaalku ka socday magaaladaas.

Cabdirisaaq Khaliif waxa uu sheegay in awood xad dhaaf ah ay Somaliland u adeegsatay Laascaanood. Waxaanu u soo jeediyey Madaxweynaha Somaliland inuu aqbalo oo fuliyo go’aankii Garaaddada Sool ay kaga tashadeen aayaha deegaannadooda.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif oo muddooyinkii dambe ku sugnaa Laascaanood, si xal xaaladda lagu dejiyo loo heli karo, halkaas oo uu weli ku sugan yahay.

Warka Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif waxaan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-