Somaliland: Golaha Wakiillada oo Caalamka u Gudbinaya Dacwad ka Dhana Soomaaliya

Hargeysa (Aftahannews) – Xildhibaannada golaha Wakiillada Somaliland, ayaa fadhi ay yeesheen, waxaa loogu qaybiyay warbixinta Guddiga Joogtada iyo Anshaxa, Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Difaaca ee golahaasi.

Fadhigaasi ay yeesheen Xildhibaannada Golaha Wakiilladu, ayaa waxaa Shir-guddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee golahaasi Siciid Mire Faarax.

Waxaana fadhiga saaka golaha soo xaadiray 48 Xildhibaan oo ka mid ah 82 Xildhibaan ee golahaasi ka kooban yahay.

Xildhibaan Axmed Guruuje oo ah Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Difaaca ee Golaha Wakiillada, ayaa u akhiriyay mudaneyaasha golahaasi warbixinta waxyaabihii u qabsoomay, talo soo jeedin iyo masuuliyiinta ay la kulmeen, oo kala ahaa Kominshanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland iyo Guddiga Diiwaangelinta ururrada.

Dhinaca kale, Xildhibaan Guruuje, ayaa ka warbixiyay xeerka caasimadda Hargeysa, waxyaabaha uga qabsoomay cidda ay la kulmeen iyo halka uu marayo xeerkaas oo uu sheegay Guddoomiyaha gudigaasi inuu meel gebo’gebo ah uu marayo.

Gaba’gebadii Guddoomiyaha Guddigaas, ayaa soo jeediyay in gole waynuhu soo saaro qoraal masiiri ah oo ku saabsan Hawada Somaliland, taas oo loo gudbin doono Dalalka Beesha Caalamka in ay tahay hawada Somaliland lama taabtaan.

Waxaa kale oo uu golaha u soo jeediyay in loo yeedho Hay’adda Duulista iyo Madaarada iyo Wasaaradda Arrimaha Dibedda, iyo in Guddi xaqiiq raadis ah loo saaro arrinta Hawada Somaliland.