Michael Rubin oo Sheegay Somaliland inay Dhibbane u Tahay Guusheeda Nabadda

Washington (aftahannews):- Michael Rubin oo ah khabiir Mareykan ah oo falaan-qeeya siyaasadda Caalamka, kana tirsan macadka American Enterprise Institute, ayaa sheegay in ay Somaliland dhibane u tahay guushii ay ka gaadhay horumarinta dimuqraadiyadda iyo nabadda mandaqada Geeska Afrika iyo xidhiidhkii ay la samaysay Mareykanka iyo Taiwan.

Michael Rubin
Michael Rubin

Khabiirka, ayaa sidoo kale sheegay in ay Somaliland dhibane u tahay guusha ay ka gaadhay ilaalinta nabadda mandaqada iyada oo si xor ah u ilaalinaysa xuduudaha dalalka jaarka ah, ilaalinta maraakiibta ku socdaalaysa baddeeda, iyo in aanay budhcad badeedda iyo ururada argagixisada ah u ogolayn in ay saldhigyo ka samaystaan ​​Somaliland.

Iyadoo ay taasi jirto buu yidhi, haddana Somaliland ma aanay helin aqoonsigii ay mudnayd, taas beddelkeedana waxay noqotay dhibane.

Michael Rubin, wuxuu sheegay inay marag madoon tahay in qalalaasaha ka taagan magaalada Laascaanood ay hurinayaan saddex kooxood oo kala duwan oo kala ah Maleeshiyada Sool, Al-Shabaab iyo Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in Ololaha khalkhal gelinta Somaliland uu soo bilowday xiligii uu Soomaaliya Madaxweynaha ka ahaa Farmaajo, hase-yeeshee ay Somaliland sii waday u ololaynta nabadda iyo xasiloonida gobolka.