Djibouti: Ololaha Doorashada Baarlamaanka oo Soo Xidhmay iyo Codbixinta Jimcaha

Ololaha Doorashada Djibouti 2023

Djibouti (aftahannews):- Dalka Jamhuuriyadda Djibouti waxaa ka socda hawlaha loogu diyaargaroobayo Codbixinta doorashada Baarlamaanka ee dalka ka qabsoomi doonta Jimcaha Berri ee 24-ka Febraayo 2023-ka.

Ololaha Doorashada Djibouti 2023

Shacabka reer Djibouti, ayaa dooran doona xubnaha Xildhibaannada fadhiisan doona shanta sano ee soo socota Golaha Baarlamaanka 9-aad ee dalka Jamhuuriyadda Djibouti.

Ololaha Doorashada Djibouti 2023-ka
Ololaha Doorashada Djibouti 2023-ka
Ololaha Doorashada Djibouti 2023-ka
Ololaha Doorashada Djibouti 2023-ka

Dhinac kale, waxaa ku soo qul-qulaya dalka goob-joogayaasha Caalamiga u xil-saaran kormeerka iyo kor-joogtaynta qaabka ay u dhacayso codbixinta doorashada.