Maraykanka oo Walaac Xooggan Ka Muujiyay Dagaalka Laascaanood

New York (aftahannews):- Danjiraha dowladda Mareykanka u fadhida Qaramada Midoobay Linda Thomas-Greenfield, ayaa ka muujisay walaac xooggan rabshadaha sii kordhaya ee ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Linda Thomas-Greenfield waxay si gaar ah u iftiimisay duqeymaha aan loo meel dayin ee lagu hayo dadka rayidka ah, waxayna ku baaqday in si deg deg ah loo joojiyo colaadda, lana ilaaliyo dadka rayidka ah.

Hadalka Safiirka, ayaa ku soo beegmay, iyadoo tan iyo lixdii bishan ay magaalada Laascaanood ku dagaallameen Ciidammada Somaliland iyo Ciidamo ka soo jeeda deegaanka oo ay Xukuumadda Somaliland sheegtay inay ka garab dagaallamayaan Ciidammada Puntland iyo kooxo Argaggixisada Al-shabaab ka tirsan oo deegaanka soo galay.

Colaadda, ayaa sababtay dhimashada in ka badan 100,  500 oo dhaawac ah in ka badan iyo barakaca 163,000 oo qof, sida ay Qaramada Midoobay sheegtay.

Thomas-Greenfield, ayaa sidoo kale ka hadashay Macluusha ka dhalan karta Soomaaliya, iyadoo ka digtay inay taasi fashil ku noqon doonto Beesha Caalamka hadii ay dhacdo.

Waxa ay ugu baaqday Beesha Caalamka in ay ka qeyb qaataan ka hortagga macluusha ka jirta Soomaaliya, iyadoo ku nuux nuuxsatay in ay tahay mas’uuliyad wadareed.