Maxay Ka Wadahadleen Madaxweynaha Somaliland iyo Safiir Ku-xigeenka Maraykanka ee Soomaaliya?

Hargeysa (aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan la yeeshay maanta Safiir Ku-xigeenka Maraykanka u qaabbilsan Soomaaliya oo safar shaqo ku jooga magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, waxaanay ka wadahadleen arrimo kala duwan.

Warsaxaafadeed qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada Somaliland, ayaa lagu faahfaahiyey waxyaabaha ay Madaxweynaha Somaliland iyo Safiir kuxigeena Maraykanka ee Soomaaliya kaga wadahadleen kulankooda, waxaanu nuqul ka mid ah Warsaxaafadeedka oo soo gaadhay warbaahinta aftahannews.com u dhignaa sidatan:-
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabiley safiir ku xigeenka Maraykanka Amb. Tim Trenkle oo safar shaqo ku yimi Jamhuuriyadda Somaliland.

Ugu horrayn, Madaxweynaha Qaranku waxa uu warbixin ka siiyey xaaladda guud dalka, gaar ahaan xaaladda Laascaanood. Waxa kale oo kulankaa lagaga wada hadlay dardar-gelinta xidhiidhka wada shaqayneed ee labada dawladood ka dhexeeya; sida, xoojinta iskaashiga arrimaha nabadgelyada Geeska Afrika.
Sidoo kale, waxa uu safiirku Madaxweynaha kala hadlay oo uu danaynay sidii dib loogu bilaabi lahaa wada hadalladii hakadku ku yimi ee u dhexeeyey Dawladaha Somaliland iyo Soomaaliya, kuwaas oo qorshahoodu yahay inay dhawaan bilaabmi doonaan.

Ugu danbayntii, kulankaasi waxa uu ku dhammaaday is afgarad buuxa. Waxa Madaxweynaha ku wehelinaayey kulankan Wasiirrada Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr Ciise Keyd Maxamuud iyo Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore.”