Madaxweynaha Soomaaliya oo Si Adag uga Hadlay Dagaalka Laascaanood, Baaqna Diray

Muqdisho (aftahannews):- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa mar kale Jimcihii maanta ka hadlay xaaladda magaalada Laascaanood, waxaanu ku baaqay in la joojiyo dagaalka illaa shantii bishan ka socda magaaladaas oo uu sheegay inaanay raalli ka noqon karin in Somaliland reer Laascaanood ku colaadiso midnimada Soomaaliyeed ee ay doonayaan, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa ugu baaqay dowladda Somaliland Madaxdeedu inay dhegaystaan dadka reer Sool.

“Midnimadaa rabnaa hadday yiraahdeen, adiguba gooni istaagaa rabnaa tiraahdeen laguugumana colaadinaayo. Midnimadaan rabaa qofna laguma colaadin karo.” ayuu yidhi Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu sheegay Somaliland inaanay Dowladda Soomaaliya marnaba ku colaadin gooni isu-taagga ay aamminsan yihiin, isagoo sheegay inay la jecel yihiin wanaag iyo walaalnimo inaan la waayin.

Waxa uu Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlaya Somaliland uu yidhi; “Walaalaha reer Somaliland iyo maamulkooda waxaan leenahay, waan diidnay innagu inaan idin la dirirno. Xitaa si diblumaasiyadeed inaan idiin colaadinno ma oggolin. Laakiin, waxaan rabnaa waxay tahay midnimadaan u taagannahay, mana ka tanaasulayno.”

Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dhawr jeer oo hore ka hadlay arrinta Laascaanood, isla markaana ku baaqay in wadahadal lagu dhammeeyo khilaafka oo xabbadda la joojiyo.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud hadalka uu maanta ka jeediyey Muqdisho intaanu isla maanta u dhoofin dalka Itoobiya, waxaan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-