“Laascaanood Waxaannu Kula Dagaallamaynaa Argaggixiso Halis ku ah Geeska Afrika..” Taliyaha Millateriga Somaliland

Laascaanood (aftahannews):- Taliyaha Millateriga Somaliland Sarreeye Nuux Ismaaciil Taani, ayaa sheegay in kooxo Argaggixiso ah oo khatar ku ah amniga Geeska Afrika, ay kula dagaallamayaan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Taliye Nuux Taani oo warbaahinta kula hadlay Laascaanood, ayaa sheegay in magaalada ay kula dagaallamayaan kooxda Al-Shabaab iyo Puntland oo ciidan, hub iyo dhaqaale ku isugu keenay dagaalka ka socda Laascaanood tan iyo 5-tii bishan February 2023-ka.

Waxa uu Taliyaha Ciidanka Millateriga Somaliland Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani oo Sharraxaya dagaalka iyo Kooxaha ku jira, yidhi; “Al-Shabaab ayaa joogta oo ku dagaallamaysa, waxa ka dagaallamaya Puntland, dadka deegaanka ee markii hore soo yaacay way iska noqdeen. Laakiin, Dadka ku dagaallamayaa waa Al-shabaab iyo Puntland, iyo kuwo kale oo koonfur ka soo baxsaday oo yimid Laascaanood.” 

Taliye Nuux Taani waxa uu sheegay in kooxaha argaggixisada ahi ay rabaan in ay Laascaanood ka dhigtaan saldhig cusub ka dib dagaalka deegaanno badan ay dowladda Soomaaliya kaga xoraysay kooxda Al-Shabaab.

“Waxa halkan la doonaya in laga dhigto saldhig Al-Shabaab oo Dadkii Xamar laga soo eryay ay halkan ku fidaan, oo ay salka dhigtaan ayay doonayaan iyo Puntland oo doonaysa in ay dib ula noqoto gobolka Sool.” ayuu yidhi Nuux Taani.

Waxa uu sheegay in hadii aan kooxaha argagixisada ah laga sifayn Laascaanood ay khatar amni ku keenyaan dowladaha jaarka sida Itoobiya iyo Jabuuti, waxa uu sheegay in kooxaha argagixisada ah ay Buuhoodle saldhig u ahayd immikana ay rabaan in ay Laascaanood isku fidiyaan.

Waxa uu sheegay in kooxaha ka dagaallamaya Laascaanood ay rabaan in ay dowlad Islaami ah ka dhisaan. “Shalay ayuu Cabdi Madoobe lahaa, waa Kufaar kuwani ee dowlad Islaami ah ayaannu ka samaynaynaa, waxa laga doonayaana waataa.”

Waxa uu sheegay in ay difaacayaan nabadgalyada Geeska Afrika oo ay ka cabsi qabaan in argagixisada uu sheegay ay ku fido waddamada jaarka, isagoo intaa ku daray in ay ciidanka u fududahay in ay kooxaha argagixisada uu ku tilmaamay ay magaalada ka sifeeyaan lakiin shacabka ay u tudhayaan.