Beesha Caalamka oo War Ka Soo Saaray Dagaalka Laascaanood, Walaacna Ka Muujiyay Jabhadaha

Beesha Caalamka ee ka Hadashay doorashada Soomaaliya 20210
Beesha Caalamka ee ka Hadashay doorashada Soomaaliya 20210

Muqdisho (aftahannews):- Saaxiibada Beesha Caalamka ee taageera Soomaaliya iyo Somaliland, ayaa walaac xooggan ka muujiyey dagaallada illaa Isniintii toddobaadkii hore ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool iyo Kooxaha hubaysan ee is abaabulaya.

Saaxiibbada Caalamka oo Warsaxaafadeed soo saaray caawa, ayaa sheegay inay aad u cambaaraynayaan rabshadaha ka socda Laascaanood iyo sidoo kale duqaymaha loo geystay kaabayaasha dhaqaalaha ee Dadka Rayidka ah ee magaalada. Waxaanay ku baaqeen in wadahadal lagu dhammeeyo khilaafka, isla markaana ay dhinacyadu is xakameeyaan.

War-Saxaafadeedkan ay wada-jirka u soo saareen Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Canada, Denmark, Jabuuti, Midowga Yurub (EU), Itoobiya, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay warbaahinta aftahannews.com, waxa uu u dhignaa sidatan; “Saaxiibada Beesha caalamka, ayaa si adag u cambaareeyeen rabshadaha sii socda ee magaalada Laascaanood, waxaanay walaac xooggan ka muujiyeen wararka la xidhiidha abaabulka kooxaha hubaysan.”

Sidoo kale, waxaan aad uga walaacsanahay duqeynta loo geystay kaabayaasha dhaqaalaha ee rayidka, taasoo sababtay waxyeello iyo barakac baahsan. Waa in si degdeg ah loo joojiyo weerarada ka dhanka ah dadka rayidka ah.

Waxaan ku boorrinaynaa dhammaan dhinacyadu inay u hoggaansamaan Xabbad-joojinta, is xakameeyaan, oo ay galaan wada hadal wax dhisaya si loo helo waddo lagu gaaro xal nabadeed.

Waxaan ku celinaynaa baaqeenna ah in gargaar bani’aadanimo oo aan la hor istaagin si deg deg wax looga qabto baahiyaha dadka barakacay ee ay saameeyeen rabshadaha socda.” Sidaa ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka ka soo baxay Beesha Caalamka.