Taliska Millateriga Somaliland oo ka Hadlay Dagaalladii ugu Dambeeyay ee Laascaanood

Hargeysa (aftahannews):- Taliska Ciidanka Millateriga Somaliland, ayaa ka hadlay dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo tan iyo toddobaadkii hore dagaal ku dhexmarayo Ciidammada Somaliland iyo Kooxo deegaanka ka soo jeeda iyo kuwo Al-shabaab iyo Putland ka kala socda, siday dowladdu sheegtay.

Afhayeenka Ciidanka Millateriga Somaliland Cabdraxmaan Cabdilaahi oo maanta warbaahinta la hadlay, waxa uu hanjabaad adag u diray maamul-goboleedka Puntland oo uu ku eedeeyey inuu Ciidammo u soo diray magaalada Laascanood si ay uga garab-dagaalamayaan kooxaha maleeshiyaadka ah ee ku sugan magaalada.

Waxa uu Afhayeenka Millateriga Somaliland sheegay inay Ciidanku weli u tudhayaan magaalada Laascaanood iyo Dadka ku nool ee ay argaggixisada iyo Kooxaha kale ku dhex dhuumaalaysanayaan, kuwaas oo uu ku eedeeyey inay Jebiyeen Xabbad-joojintii Xukuumadda Somaliland ku dhawaaqday habeenkii Sabtida.

Haddaba, Warka Afhayeenka Millateriga Somaliland oo faahfaahsan, waxaan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-