Somaliland oo Sheegtay in Xabbad-joojintii Laascaanood ay Jebiyeen Kooxo Nabad-diid ah

Hargeysa (aftahannews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay in Xabbad-joojinta ay ku dhawaaqday habeen hore ay jabiyeen kooxo nabad-diid ah iyo kuwo Argaggixiso ah oo Ciidanka Qaranka Somaliland kula dagaallamaya magaalada Laascaanood, kuwaas oo ay sheegtay inay aroornimadii saaka duullaan hor leh ku soo qaaday Fadhiisimmada Ciidanka.

Wasiir Ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, ayaa War-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in Ciidanka Qaranku iska difaacay weerarrada lagu soo qaaday. Waxaanu intaas ku daray in Puntland dhaqdhaqaaq dagaal ka waddo jiidda hore ee Tukaraq oo Ciidanka Millateriga Somaliland ku sugan yahay.

War-saxaafadeedkan oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay warbaahinta aftahannews.com, waxa uu u dhignaa sidatan:-

“Xukuumada Somaliland waxay hore ugu dhawaaqday Kuna Cel-celisay xabad-joojin bilaa shuruud ah, balse waxa xabad joojintii markale jabiyey kooxaha ku soo duulay nabad-galyada iyo xasilooni magaalada Laascaanood, oo subaxnimadii hore ee saaka markay saacadu ahayd 5:30 Am dagaal ku soo qaaday Ciidamada ku sugan Xeryahooda.

Goobaha ay saaka soo Wareereen kooxahaasi waxa ka mid ah:

– Xafiiska Badhasaabka Gobolka SOOL.
– Fadhiisimada Ciidanka Qaranka ee Laascaanood.

Waxaanu Ciidanka Qaranku Weerarkaasi kaga jawaabay is-difaacid, illaa hadana dagaalkii wuu socdaa.

Ciidanka Qaranku waxa ay wali u taagan yihiin oo ay ixtiraamayaan xabad joojintii ay hore ugu dhawaaqday xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Xukuumadd ahaan waxa aanu cadaynaynaa in shacabka magaalada Laascaanood ay la mid yihiin muwaadiniin reer Somaliland ee ay horeba uga midka ahaayeen, waxase jirta siday hore xukuumaddu ugu dhawaaqday in ay dagaalka laascaanood qayb ka yihiin, hurinayaana kooxo argagixisada ka tirsan, kuwaasi oo diidan in xabad joojinta laga gaadho dagaalka, gaboodna ka dhiganaya shacabka Laascaanood.

Dhinaca Aaga Tukaraq;

Waxa jira in aaga hore Tukaraq ay maamul goboleedka Puntland-Somalia ay ka wadaan dhaq-dhaqaaq ciidanka sidii horeba xukuumaddu u sheegtay, iyaga oo doonaya in dagaalka ay ka bilaan jihooyin cusub.

Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyada oo mar walba lagu soo qaadayo weeraro, todoba maalmood oo joogto ah, ciidanku waxa uu difaac kaga jiraan fadhiisimadiisa.
Ugu dambayntii

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ogaysiinaysaa Bulshada reer Somaliland, Beesha Caalamka iyo dadka nabada jecelba inay wali xabad joojin bilaa shuruud ah ay dhankeeda dhaqan-gal ka yahay.” Sidaa ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland.