Madaxweynaha iyo Madaxda Xisbiyada Somaliland oo Go’aammo ka Soo Saaray Dagaalka Laascaanood

Hargeysa (aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland iyo Madaxda Xisbiyada Mucaaradka, ayaa maanta ka shiray xaaladda dagaal ee ka taagnayd magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, waxaanay soo saareen go’aammo kala duwan.

Warsaxaafadeed qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada Somaliland oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay warbaahinta aftahannews.com, waxa uu u dhignaa sidatan:-

“Shir Qaran oo maanta oo ay taariikhdu tahay 11/02/2023 ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada JSL oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinayeen Madaxweyne ku xigeenku Somaliland, guddoomiyeyaasha labada Xisbi Mucaarid ee UCID iyo WADDANI. Ayaa laga soo saaray Go’aamadda hoose:-

1. In arrinta Laascaanood si nabada lagu dhammeeyo oo laga fogaado wixii colaadda sii hurin kara.

2. Saddexda Xisbi Qaran waxay soo dhaweeyeen, taageersan yihiinna xabbad joojinta xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ku dhawaaqday, dhinaca kalena waxay ugu baaqeen inay aqbalaan xabbad joojinta.

3. In Khilaafkii doorashooyinka laga wada hadlo, si xal looga gaadho, iyadoo loo xilsaaray saddex xubnood oo xisbi walba laga soo xulay, si ay u soo ururiyaan talooyinka kulanka kan xigana u soo muddeeyaan.

4. In loo gurmado dadka ka barakacay magaalada Laascaanood, sida ugu dhakhsaha badanna kaalmo loo gaadhsiiyo.

5. In arrimaha Qaranka si wada jira loo wajaho lagana wada tashado.” Sidaa ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada Somaliland.