Xukuumadda Somaliland oo ku Dhawaaqday Xabbad-joojin Bilaa Shuruud ah

Caynaba (aftahannews):-  Xukuumadda Somaliland, ayaa caawa ku dhawaaqday Xabbad-joojin bilaa shuruud ah oo ay ku joojinayso dagaalka Laascaanood ka socday tan iyo isniintii la soo dhaafay.

Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Somaliland oo ku sugnaa beryahan gobolka Sool ee dagaalku ka socday, ayaa shir jaraa’id oo caawa ku qabteen magaalada Caynaba, waxay ku sheegeen in Xukuumaddu go’aansatay Xabbad-joojin, si xal loo helo.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, ahna Af-hayeenka Xukuumadda Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa shaaciyey Xabbad-joojinta. Muuqaalkan hoose ka daawo warka Xabbad-joojinta:-