Shirweynihii horumarinta Waxbarashada Somaliland oo la soo gabo-gabeeyay

Hargeysa (Aftahannews) – Waxaa maanta magaalada Hargeysa si rasmi ah loogu soo gaba-gabeeyay Shirweynihii horumarinta Waxbarashada Somaliland oo muddo seddex maalmood ah socday.
Shirkan, ayaa waxaa ka qayb galay intii uu socday guud ahaan Madaxda Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee heer qaran iyo heer gobol, Hay’addaha Caalamiga ah iyo madax ka socotay dalalka Qaadhaan Bixiyeyaasha ee Wasaaradda Waxbarashada kala shaqeeya arrimaha horumarinta waxbarashada dalka.
Intii uu shirku socday, ayaa waxaa si weyn loogu falanqeeyay sidii loo sii horumarin lahaa hannaanka waxbarashada Jamhuuriyadda Somaliland.
Shirkan, ayaa ahaa mid lagaga arrinsanayay horumaradii iyo caqabadihii jiray iyo sidii halkaa looga sii qaadi lahaa.
Waxaana ugu dambayntii gaba-gabada shirkan maanta laga soo saaray qodobo kala duwan oo ka kooban Sagaal qodob.