Somaliland oo War ka Soo Saartay Dagaalka Laascaanood Maalintii labaad ka Socda

Laascaanood (aftahannews)- Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, ayaa War-saxaafadeed ka soo saartay dagaal maalintii labaad maanta ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, waxaanay sheegtay inay kooxo isugu jira Argaggixiso, Ciidammada Puntland iyo kuwo SSC-khaatumo sheegtay soo weerareen Ciidammada Qaranka Somaliland.

Warsaxaafadeedkan oo uu ku saxeexan yahay Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Wasaaradda arrimaha gudaha  Somaliland Cabdilaahi Axmed Caarshe oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay warbaahinta aftahannews.com, waxa uu u dhignaa sidatan:-

“Saaka 5:30 Subaxnimo marlabaad soo wareeraray Fadhiisimada Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Magaalada Laascaanood kooxo argagixiso ah, kuwaasoo ah kooxihii shalay subax wareerka ku soo qaaday Ciidamada Qaranka iyo Xarunta Golaha Wasiirada.

Kooxahan Argagixisada ah ee saaka soo wareeraray Fadhiisimada Ciidanka Qaranka, waxaa taageeraya Ciidamo ka soo tallaabay Maamulka Putland, kuwaasoo si toosa ugu jira dagaalka saaka, waxaa kale oo iyana dagaalka qayb ka ah Ciidamada la baxay Khaatumo.

Waxaanu u sheegaynaa Beesha Caalamka, wadamada Jaarka ah, Midawga Africa, Urur Gobeedka IGAD, Qaramada Midoobay iyo Jaamacada Carabka in dagaalka Laascaanood ay iska kaashadeen kooxo argagixiso ah iyo Maamulka Putland oo si aan gabasho lahayn dagaalka ugu jira.

Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay ku suntan tahay nabad iyo horuumar, waxayna ku jirtaa is difaac iyo in ay shacabkeeda ka difaacdo cadawga ku soo duulay.

Waxaa kale oo aanu Beesha Caalamka la socodsiinaynaa iyo Shacabka Somalilandba in Maamulka Putland dagaal ka abaabulayo Garoowe, iyagoo qorshanaya in ay soo weeraraan fadhiisimada Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Jiida hore, waxayna Ciidanka Qaranku diyaar u yihiin is difaac.” Sidaa ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.