Somaliland: Golaha Wasiirrada oo Kulan Degdeg ah ka yeeshay Dagaalka Laascaanood, Go’aammana soo Saaray

Breaking_news-5

Hargeysa (aftahannews):- Golaha Wasiirrada Somaliland, ayaa kulan degdeg ah ka yeeshay Dagaalka maanta ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac, ka dib markii ay Jabhado la abaabulay weerarro ku qaadeen fadhiisimmada Ciidammada Somaliland ee Laascaanood.

Haddaba, fadhiga ay galabta yeesheen Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu guddoominayey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa go’aammo laga soo saaray. War-saxaafadeed caawa ka soo baxay madaxtooyada oo lagu faahfaahiyey qodobbada kulanka Wasiirrada laga hadlay oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay warbaahinta aftahannews.com, waxa uu u dhignaa sidatan:-

“Fadhi deg-deg ah oo ay yeesheen Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo galabta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada, shirkan oo uu shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinayeen Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), shirkaas oo ujeedadiisu ahayd qiimaynta xaaladda ka taagan Laascaanood.

Dood iyo falan-qayn dheer ka dib waxa shirka ka soo baxay go’aamaddan:-

1. Goluhu waxa uu u cadaynayaa Bulshada Jamhuuriyadda Somaliland iyo Beesha Caalamkaba inuu u taagan yahay Nabad. Sidaa awgeed waxa uu diyaar u yahay Qaranka Somaliland in lagu dhammeeyo xaaladda Laascaanood ka taagan wada-hadal iyo is-afgarad.

2. Goluhu wuxuu go’aamiyey in dadkii ku barakacay dhibaatadaasi loo fidiyo gargaar degdeg ah, waxaanu goluhu beesha caalamka ugu baaqay in ay gargaar kaasi qayb weyn ka qaataan.

3. Goluhu waxa uu Shacabka iyo Beesha Caalamkaba ku war-gelinayaa inuu Qaranka Somaliland dagaal kula jiro kooxo argagixiso caalami ah oo in muddo falal amni daro ka maleegayey gudaha Laascaanood.

4. Goluhu waxa uu ku dheeraaday in shaqaaqada Laascaanood ka bilaabantay ay saamayn ku yeelanayso degenaanshaha Mandaqada Geeska Afrika iyo Caalamkaba, sidaa darteed ay u baahan tahay in layska kaashado.

5. Golaha Wasiirradu wuxuu ugu baaqayaa madax-dhaqameedka, haldoorka, culimada, ganacsatada, dhalinyarada iyo haweenka Magaalada Laascaanood iyo cidkasta oo danaynaysa nabadgelyada iyo daganaanshaha Laascaanood in ay qayb ka qaataan sidii magaalada nabad loogu soo dabaali lahaa.

6. Goluhu waxa uu boggaadinayaa sidii ay Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland uga hortageen weerarkii gaadmada ahaa ee lagu soo qaaday hiirtii hore ee saaka.

7. Ugu damabayn goluhu waxa uu go’aamiyey in gacan adag lagu qabto cidkasta oo hubaysan oo khal-khal iyo falal nabadgelyo darro ka wada Magaalada Laascaanood.” Sidaa ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada Somaliland.