Laascaanood: Khasaaraha Dhimashada iyo Dhaawaca ee Ka Dhashay Dagaalkii Maanta

Laascaanood (aftahannews):- Iska horimaadyo hubaysan oo dhimasho iyo dhaawac sababay, ayaa maanta ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kuwaas oo u dhexeeya Ciidammada Somaliland iyo xoogagga degaanka.
Mas’uuliyinta Somaliland, ayaa sheegay in Ciidankooda ay soo weerareen kooxo ay soo ababauleen qaar ka mid ah Garaaddada iyo Odayaasha ku shirayey magaalada Laascaanood toddobaadyadii u dambeeyey.

Mas’uuliyiinta Cusbitaalka magaalada Laascaanood, ayaa u sheegay VOA inay iska horimaadka ku dhinteen 13 qof ilaa haatan la soo gaadhsiiyey, halka 40 kalena ay ku dhaawacmeen. Sidoo kale waxa ala sheegayaa inay jiraan dhaawacyo kale.

Iska horimaadyadan, ayaa yimid iyadoo maalmahan uu magaalada Laascanood kulan uga socday Odayaasha dhaqanka deegaanka, kuwaas oo ugu baaqay Ciidammada Somaliland inay ka baxaan deegaankooda, sida ay hadalka u dhgaan.

Madaxwyenaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa isagu hore u sheegay inaan Ciidammada Somaliland laga saarayn deegaan Somaliland ka tirsan.

Garaaddada iyo Odayaasha muddada shirku uga socday Laascaanood, ayaa manata soo saaray go’aammo ay ka mid ahaayeen in deegaannada SSC-Khaatumo ay ka mid yihiin dawladda federaalka Soomaaliya, isla markaana ay u taagan yihiin midnimo, sida lagu sheegay qoraalka ay baahiyeen.

Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, ayaa sheegtay in amnaanka magaalada Laascaanood ay hadda gacanta ku hayaan Ciidammada Qaranka Somaliland oo markii saaka la weeraray guriga Wasiirrada Xukuumadda Somaliland ka deggan yihiin Laascaanood, iyaguna gudaha u galay magaalada oo ay dibedda ka joogeen toddobaadyadii u dambeeyey.