Cagjar oo eedayn u Jeediyey Saxaafadda uu Caydhinta & Cabbudhinta ku soo Rogay

Jigjiga (aftahannews):- Madaxweynaha Dowlad-deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar), ayaa u qiil samaynaya caydhinta iyo cabbudhinta ay Xukuumaddiisu ku soo rogtay Warbaahinta Afka Soomaaliga ku hadasha ee deegaanka ka hawl-galaysey toddobaadkii hore.

Madaxweyne Cagjar, oo qoraal soo dhigay barta uu ku leeyahay Facebook, ayaa ka hadlay arrimo maalmahan ka taagnaa gudaha Dowlad-deegaanka Soomaalida, kuna saabsanaa Saxaafadda iyo tallaabooyin ay dowladdiisu ka qaadday dhawr iyo toban Hay’adaha Warbaahinta Soomaalida ah iyo kuwa ku hadla Afka Soomaaliga, sida BBC iyo VOA, kuwaas oo laga joojiyey shaqada Saxaafadda iyo Ururka Suxufiyiinta deegaanka Soomaalida, iyadoo  Ruqsadaha kala noqotay tan iyo toddobaadkii hore.

Madaxweyne Mustafe Cagjar waxa uu sheegay in Dowlad-deegaanka Soomaalida ay ka jirto Xorriyatul qawl uu ku tilmaamay mid dibbiro dhacsanaysa, oo aan ahayn middii loo baahnaa, isla markaana keeni karta dhibaato iyo fowdo,  sida uu ku dooday.

Cagjar waxa uu sheegay in qofka Suxufiga ah looga baahan yahay inuu u hoggaansamo shuruucda u taal goobta uu ka howlgalayo, isagoo xusay in Suxufiga aan sharci wadani deegaanka ka howlgali karin.

“Magac Suxufi cid ku xoogsanaysa oo sifo sharci ah aan waliba ku joojin deegaanka lama ogola. Saxaafad xor ah maaha saxaafad aan xad lahayn. Meela kama jirto Adduunka xorriyad ayna ku ladhnayn masuuliyadd. Xorriyad aysan la socon masuuliyadna waxay noqonaysaa fowdo.” Sidaa ayuu qoraalkiisa ku yidhi Madaxweyne Mustafe Cagjar.

Madaxweyne Mustafe Cagjar, ayaa xusay in Dowlad-deegaanka Soomaalidu u baahan yahay Saxaafad xor ah, ee aan loo baahnayn mid xoogsato ah, oo kolba xaaladda lagu jiro mid caksigeed ah sheegta, waxaanu yidhi “Waxaynu u baahan nahay Saxaafad xor ah; uma baahnin saxaafad xoogsata ah oo iyadoo gudcur dam ahna tidhaa waa cadde; iyadoo cadde ahna tidhaa waa gudcur 15 ah.”

Hadalka Madaxweyne Cagjar, ayaa ku soo beegmaya xilli ay Xukuumadda Dowlad-deegaanka  Soomaalidu caydhisay inta badan Warbaahinta Soomaalida ee deegaanka ka hawlgalaysay iyo Ururka Saxafiyiinta deegaanka Soomaalida, oo ay Ruqsadaha kala noqotay, iyadoo ku eedaysay inaanay sharci dhammaystiran ku shaqaynaynin Hay’adaha Warbaahinta iyo Ururka Suxufiyiinta deegaanka midkoodna.