Niman laga shakiyey iyo Hub ay wateen oo ay gacanta ku dhigeen Booliska Somaliland

Lughaya(Aftahannews):- Ciidammada Booliska Degmada Lughaya oo ka tirsan gobolka Awdal, ayaa gacanta ku dhigay Afar Nin iyo Hub ay wateen iyo weliba Gaadhi ay ku safrayeen, kuwaasoo ay Ciidanka Ammaanku u soo gudbiyeen dhinaca magaalada Boorama ee xarunta gobolkaas, halkaas oo lagu xidhay Saldhigga Booliska, sida uu xaqiijiyey Maayerka Lughaya.

NEWS

Maayarka degmada Lughaya Cabdillaahi Cali Awnuur Dixood oo qabashada afartaas nin oo la sheegay inay aa du hubaysnaayeen ka hadlay, ayaa sheegay in afarta nin ay dadweynuhu ku soo war-geliyeen, ka dib markii ay ka shakiyeen shalay, isla shalayna deegaankaas lagu qabtay, loona soo dhaadhiciyey dhinaca magaalada Boorama.

“Waxa afartan nin ee hubaysan aan ka qabanay deegaan u dhexeeya Garbo-dadar iyo Gargaara (Degmada Lughaya), waxa ay ku hubaysnaayeen qoryo kala duwan oo fudud, waxa ka shikiyay dadka deegaanka oo na soo wargaliyay, wixii intaas ka dabmeeyay waxa aan qabashada labadan nin la kaashaday ciidanka amniga, markii aan qabanayna waxa aan ku xidhnay saldhiga Garbodadar, markii dambana waxaanu u soo gudbinay saldhiga dhexe ee Boorama.” sidaa ayuu yidhi Duqa Degmada Lughaya.

Maayarka Lughaya Cabdillaahi Cali-Nuur oo ka gaabsaday inuu faahfaahin dheeraada ka bixiyo nimankaas halkay ka yimaadeen iyo dhinacay u socdeen, waxa uu yidhi; “Wax faahfaahin ah kama bixin karno waxa ay yihiin, waxa socota baadhis, lagamana hordhici karo” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray “Waa degmo aad u ballaadhan Lughaya, ma joogaan ciidan ku filan oo amniga wada sugi kara, waxaa mahad ballaadhan leh dadka deegaanka oo iyagu amniga ilaashanaya, waxaana aan ka codsanaynaa hay’adaha dawliga ah ee ay khusayso inay ciidanka amniga ee ka hawl gala degmada soo kordhiyaan.”

Maxamed Bashiir

aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.