Dowladda Deegaanka Soomaalida oo Aqoonsiga Kala Noqotay Ururka Suxufiyiinta Deegaankaas

Jigjiga (aftahannews):-  Xukuumadda Dowlad-deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay Sharcinnimada Ururka Saxafiyiinta deegaanka Soomaalida, iyadoo ku tilmaantay mid aan sharciyad ku shaqaynaynin.

Warqad Jimcaha maanta ka soo baxday  Xafiiska Warfaafinta ee Dowlad-deegaanka Soomaalida, ayaa lagu sheegay in Ururkaas la magac baxay Ururka Saxafiyiinta degaanka Soomaalida uusan haysanin wax sharciyad ah, islamarkaana aysan ka diiwaan gashanayn heer degaan iyo heer dalba.

Waxa kale oo lagu xusay Warqadda kasoo baxday Xafiiska Warfaafinta ee dowlad degaanka Soomaalida, in Ururkaasi uu maalmahan billaabay waxa uu ku tilmaamay Xafiisku abaabul iyo kicin bulsho oo ay sheegeen in lagu marin habaabinayo xasiloonida degaanka Soomaalida.

Xafiiska Warfaafinta ee Dowlad-deegaanka Soomaalida, ayaa faray dhammaan Hay’adaha amniga ee deegaanka Soomaali in tallaabo sharci ah laga qaado Ururkaas la magac baxay Ururka Saxafiyiinta deegaanka Soomaalida.

Ururkan, ayaa la aasaasay wixii ka dambeeyay isbeddelka ka hana qaaday Dowlad-deegaanka Soomaalida iyo dalka Itoobiya, waxaana ku midaysnaa ururkan qaar kamid ah Wariyayaasha ka howlgala degaanka Soomaalida, oo intooda badan dhawaan dowladdu ay ka xannibtay shaqadii ay degaanka ka hayeen, iyadoo u cuskatay inaysan wax ruqsad ah ka haysan heer degaan iyo heer federaal midna.

Arrintan ayaa kusoo aadaysa xilli maalmo ka hor la xannibay oo ay Ruqsadaha kala noqday inta badan Warbaahinta Afka Soomaaliga ku hadasha ee deegaanka ka howlgali jiray, kuwaas oo Xukuumadda Dowlad-deegaanka Soomaalidu ku eedaysay inaanay wax fasax ah ama ruqsad ah ka haysan Xafiiska Maamulka Warbaahinta ee Itoobiya, kaas oo bixiya fasaxa ay Warbaahin madax banaan oo dibadda laga leeyahay ay kaga shaqayn karto gudaha dalka Itoobiya.