Madaxweynaha Somaliland iyo Mudan ka Qayb-galay Aas Qaran oo loo Sameeyey Marxuum Cadami

Hargeysa (aftahannews):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qeyb-galay Aas Qaran loo sameeyey Allaah ha u naxariistee Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga Marxuum Axmed Xaaji Cali Cadami oo maanta lagu aasay Xabaalaa Halleeya ee Bariga Caasimadda Hargeysa.

Marxuum Axmed Xaaji Cali Cadami oo shalay ku geeriyooday Hargeysa, waxa aaskiisa ka qeyb-galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxmauud Aadan, shir gudoonka wakiilada, Siciid Mire Faarax iyo Cali Xaamuud Jibriil, Madaxweyne ku xigeenkii labaad ee Jamhuuriyadda Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, Taliyeyaasha Ciidamada, qaar ka mida maayarada Dalka, Siyaasiyiin kala duwan, Madaxda Dhaqanka, xubno kamida Golaha Wasiirada, Xildhibaano iyo badiba haldoorka Jamhuuriyadda Somaliland.

Masuuliyiinta ayaa ku dheeraaday taariikh-nololeedkii marxuumka iyo doorkii uu ka soo qaatay dhismaha dowladnimada Somaliland, waxaanay Eebbe uga baryeen naxariistiisa Janno inuu ka waraabiyo, ehelkii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacabka Somaliland ee marxuumku ka baxay.

Doorkii Dhismaha Dowladnimada Somaliland ee Marxuum Axmed Xaaji Cali Cadami

Marxuum Cali waxa uu ka mid ahaa odayaashii ka qayb galay shirweynihii Dib-u-heshiisiinta beelaha Somaliland ee magaalada Burco oo lagaga dhawaaqay Dib ula soo noqoshada madax-bannaanida Somaliland 18-kii May 1991.

Sidoo kale, wuxuu marxuumku ka qayb-galay shirweynihii labaad ee beelaha Somaliland magaalada Boorama ku qabsoomay 1993-kii, kaas oo lagu soo doortay Mdaxweynihii labaad ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, waxaanu marxuum Cadami xukuumaddii xilligaas ka noqday Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka.

Xilligii bilowga geeddi-socodka dimuqraadiyadda iyo aasaaskii nidaamka xisbiyada badan ee Somaliland oo ku beegnayd sannadkii 2001-dii, madaxweynihii Xiligaas Marxuum Maxamed Ibrahim Cigaal, ayaa Marxuum Axmed Xaaji Cali Cadami u magacaabay Komishankii Doorashooyinka ee u horreeyey oo uu Guddoomiye ka noqday, isagoo xilkaas hayey ilaa doorashadii madaxtooyada ee uu ku soo baxay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin sannadkii 2003-kii.

Xukuumaddii Xisbiga Kulmiye ee madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo, ayuu marxuumku ka soo qabtay xilka Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland.