Somaliland oo digniin adag u dirtay Maamulka Puntland

Hargeysa (Aftahannews)- Dowladda Somaliland, ayaa waxaaay Maamul Goboleedka Soomaaliya ee Puntland uga digtay in ay Diiwaangelinta Doorashada ee maamulkaasi ka samayso Deegaanka Dhahar.

Dowladda Somaliland, ayaa waxaa kale oo ay taageertay diidmo ay shacabka Deegaankaasi ka muujiyeen qaadashada kaadhka codaynta ee Maamulkaasi Puntland.

Wasiirka wasaaradda horumarinta Reer Miyiga Somaliland Axmed Aadan Guray, oo ka hadlay mudaharaad dadka deegaanka degmada Dhahar ay ku diideen in ay qaataan kaadhka codaynta ee Maamulkaasi Puntland, ayaa Maamul Goboleedka Puntland ugu baaqay in ay go’aanka shacabka ixtiraamto.

Wasiirka, ayaa Maamulka Puntland ugu baaqay in dadka Degmada Dhahar aanay ku qasbin waxayna doonayn, islamarkaana ay tashadeen, go’aana gaadheen, waxaanu sheegay in go’aanka ay gaadheena aanay iyagu ka noqonayn, kuwa doonaya in ay socodsiiyaana aanay u suuroobayn.

Sidoo kale, waxaa uu sheegay in bulshadu go’aan ku gaadhay in aanay Maamulka Puntland deegaankooda wax Diiwaangelin ah ka samayn, kadibna maamulka Puntland uu xoog shacabka u isticmaalay kadib markii ay shacabku diideen in ay qaataan kaadhadhka codaynta maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland.

Waxaa uu Maamulka Puntland uga digay in ay cabudhiso shacabka isaga oo sheegay in uu Maamulkaasi Puntland u soo jeedinayo in aanay waxyeelayn amniga deegaanadaasi.

Dadweynaha degmada Dhahar, ayaa ka mudaharaaday Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Maamulkaasi Puntland oo doonayay in ay deegaankan ka fuliso, waxaana jira isku dhac dhex maray Shacabka Deegaankaasiniyo Booliiska Maamul Goboleedka Soomaaliya ee Puntland.