Taliye Nuux Taani oo hal arrin ku boggaadiyay Ciidanka Qaranka Somaliland

Hargeysa (Aftahannews)- Taliyaha ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, ayaa hambalyo u diray qaybaha kala duwan ee Ciidanka Qaranka Somaliland.

Hanbalyadaas oo ku saabsan xuska 29-guuradii ka soo wareegtay markii la aasaasay ciidanka Qaranka oo ku beegan maalinta berito ah 2/2/2023.

Xuska 29-guuradii ka soo wareegtay aasaaska ciidanka Qaranka jamhuuriyadda Somaliland oo maalinta beriya ku began, ayaa sanadkan markii u horaysay taariikhda waxaa lagu qabanayaa magaaladda Laascaanood.

Waxaanay noqonaysaa markii labaad oo xuska ciidanka qaranka Somaliland lagu qabto meel ka baxsan caasimadda Hargeysa, iyadoona sanadkii 2017-kii xuska ciidanka qaranka lagu qabtay deegaanka Adhi-cadeeye ee gobolka Sool.

Nuux Ismaaciil Taani, ayaa saraakiisha, saraakiil xigeenada, dableyda iyo waliba qoysaskooda ugu hanbalyeeyay dabaaldega munaasibada aasaaska ciidanka Qaranka Somaliland.

Waxaana sidan lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland, oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay xafiiska warqabadka ee Shabakadda Aftahannews.

Warkaasi qoraalka ahaa oo uu ku saxeexan yahay Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sarreeya Gaas Nuux Ismaaciil Taani, ayaa u dhignayd sidan:-

“Taliyaha ciidanka Qaranka Somaliland sarreeya gaas Nuux Ismaaciil Taani, isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka saraakiisha, saraakiil xigeenada iyo dableyda ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Wuxuu hanbalyo iyo boggaadin u diraya dhammaan ciidanka Qaranka iyo xaasaskoodu meel kasta oo ay kaga sugan yihiin dalka.

Waxaanan ugu hanbalyaynayaa munaasibada xuska sannadguuradii 29-aad ee aasaaska ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo ku beegan 2/2/2023 haddii ILLAAHEY yidhaahdo.

Waxaan ALLE uga baryayaa in uu sannadkan sannadkiisa kale ku gaadhsiiyo bash bash iyo barwaaqo iyo cimri dherer.”