Dabeylo Baraf wata oo ku dhuftay Mareykanka iyo Dad ku dhintay

Washington (Aftahannews)- Ugu yaraan laba qof, ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dabeylo baraf wata oo Salaasadii shalay ku dhiftay qeybo badan oo ka mid ah gobollada koonfur-bari ee dalka Mareykanka.

Labada qof, ayaa ku dhintay shil ka dhacay mid ka mid ah waddooyinka waaweyn ee gobolka Texas, sidoo kale laba sarkaal oo ka mid ah Ciidanka Booliska Jidadka, ayaa ku dhaawacmay shil baabuur.

In ka badan 1,700 oo duullimaad, ayaa dabeylahaasi qabow dartood loo baajiyay guud ahaan Mareykanka saacadihi la soo dhaafay.

Dabeylahan barafka wata, ayaa waxaa ay saameeyeen ku dhawaad 40 milyan oo ruux.

Khubarrada saadaasha hawada, ayaa ka digay in dabeylahan barafka wata ay saameyn doonaan laga soo billaabo galbeedka Texas ilaa gobolka West Virginia.