Daahir Riyaale oo Beeniyay War laga faafiyay

Paris (Aftahannews)- Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ayaa beeniyay warar been abuur ah oo aanu isagu odhan oo ay maanta warbaahinta qaarkood baahinayeen.

Warkaasi been abuurka ah ee laga baahiyay Daahir Rayaale, oo la xidhiidhay xaaladda ka taagan magaaladda Laascaanood, ayaa si weyn la isku la dhex marayay baraha xidhiidhka bulshadda ee Internet-ka.

Hase yeeshee Daahir Rayaale Kaahin, oo Sahan TV, khadka telefoonka ugu waramay isagoo ku sugan magaaladda Paris ee caasimadda wadanka France ayaa sheegay in aanu isagu lahayn wax Facebook, isla markaana aanay jirin meel uu kaga hadlay xaaladda Laasccaanood.

Waxaanu tilmaamay in fariintaasi ay tahay waxba kama jiraan, iyo war aan sal iyo raad toona lahayn, isla markaana uu la yaabay dadkan waxay rabaan iska qoraya.