War-murtiyeed laga soo saaray Shirkii Madaxda Soomaaliya, Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya

Muqdisho (Aftahannews)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Guddoomiyay shir afar-geesood ah oo ay wada yeesheen Madaxweynaha Kenya William Ruto, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Shirkan oo ka dhacay magaalada Muqdisho, ayaa ujeedkiisu ahaa sidii ay isaga kaashan lahaayeen ayna ugu midoobi lahaayeen dagaalka ka dhan ah Kooxda Al-Shabaab iyo sidii ay u wiiqi lahaayeen awooddeeda gudaha Soomaaliya iyo gobolka.

War-murtiyeed shirka laga soo saaray, ayaa lagu sheegay inay madaxda ay isla garowsadeen baahida loo qabo iskaashi ay sare ugu qaadayaan garab is-taagga dalalka deriska ah ee la xidhiidha dagaalka ay Soomaaliya kula jirto Kooxda Al-Shabaab.

Waxay sidoo kale madaxdu isku raaceen in la sameeyo howlgal wadajir ah oo lagu qaadayo goobaha ay ku hadhsan yihiin argagixisada si gebi ahaanba Soomaaliya oo dhan ay uga xoreeyaan Al-Shabaab, loona fududeeyo dhimista ciidamada ATMIS iyo in si tartiib tartiib ah mas’uuliyadda amniga Soomaaliya loogu wareejiyo ciidamada Soomaaliya.

“Waxaa lagu heshiiyey in si wadajir ah loo qorsheeyo oo loo abaabulo olole hawlgal oo xooggan oo dalalka safka hore ah, kaasi oo lagu baadigoobayo laguna burburinayo Al-Shabaab, howlgalkaasi oo jihooyin badan ah, laguna beegsanayo meelaha muhiimka ah ee Al-Shabaab ay kaga sugan yihiin koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Ololahan xasaasiga ah ee wakhtigiisa ku imanaya ayaa ka hortagaya in canaasiirta ay u gudbaan gobolka,” ayaa lagu yidhi war-murtiyeedka.

War-murtiyeedka, ayaa intaas ku daray in madaxdu ay qireen codsiga Soomaaliya ee ah inay hesho ballan-qaadka iyo taageerada dalalka deriska ah ee ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya si ay ugala qayb qaataan ciidamada Soomaaliya ka guuleysashada iyo burburinta kooxaha argagixisada.

Waxay sidoo kale soo dhaweeyeen codsiga Soomaaliya ee ah in la helo taageero lagu qalabeeyo cutubyada cusub ee Ciidamada Soomaaliya iyo in kor loo qaado awoodda hub ee cutubyada Ciidamada Soomaaliya ee hadda howlgala.

Madaxdan, ayaa sidoo kale isku raacay muhiimada ay leedahay in la sameeyo hab wadajir ah oo loo sugo amniga xuduudaha, si loo baabi’iyo dhaqdhaqaaqyada argagixisada ee xuduudaha iyo xaqiijinta marin sharci oo ay helaan ganacsiga iyo dhaqdhaqaaqa dadka.

Madaxda shirka ka qeyb gashay, ayaa dhanka kale waxay ka codsadeen saaxiibada caalamka in ay taageeraan dadaallada xasilinta goobaha laga xoreeyey kooxda Al-Shabaab si loogu fududeeyo Soomaaliya inay gaadhsiiso adeeggeeda aas-aasiga ah iyo fidinta maamulkeeda.