Ilhaan Cumar: “Ololaha laygaga saarayo Guddiga Congress-ka Mareykanka waa mid Siyaasadeysan”

ILHAN OMAR
ILHAN OMAR

Washington (Aftahannews)- Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka, ayaa markii u horeysay sheegtay in qaar ka mid ah dadka dhaliila ee uu ugu horreeyo Afhayeenka Aqalka Congress-ka Mareykanka Kevin McCarthy uu isku dayayo in ay ka saaraan Guddiga Arrimaha Dbadda ee Aqalka Congress-ka Mareykanka.

Waxay sheegtay in sababta u weyn ee Kevin iyo qaar ka mid ah dadka dhaliila u beegsanayaan ay tahay “waa Muslimad qaxooti ah kana soo jeeda Soomaaliya.”

Ilhaan Cumar, ayaa sidoo kale waxay sheegtay in lagu eedeynayo inay neceb tahay Yuhuudda, iyadoo tilmaamtay in ay kala shaqeyso asxaabteeda iyo bulshadeeda si ay ula dagaallanto nacaybka Yahuudda.

“Ololaha la rabo in la igaga saaro guddiga arrimaha dibadda ee Aqalka Congress-ka Mareykanka waa mid siyaasadeysan,” ayay tidhi Ilhaan Cumar.

Waxay sheegtay in qaar badan oo ka mid ah xubnahan ayna rumaysnayn “in qof Muslim ah, qaxooti ah, Afrikaan ah, aanu xitaa joogin Congress-ka, iska daa inuu fursad u helo inuu ka mid noqdo guddiga arrimaha dibadda.”

Xildhibaanad Ilhaan, ayaa sidoo kale waxay iftiimisay odhaah “Islaam nacayb ah” oo ka soo yeedhay Wakiilka Georgia Marjorie Taylor Greene iyo Wakiilka Colorado Lauren Boebert, iyada oo ku soo oogtay dacwad Islaam nacayb.

In xiligaan Ilhaan Cumar laga saaro guddiga arrimaha dibadda ee Aqalka Congress-ka Mareykanka, ayaa waxay u baahan tahay in ay u codeeyaan Aqalka Congress-ka Mareykanku.