Somaliland: Garyaqaan ku Taliyey in Raysal-wasaare loo Sameeyo, Baaqna u Diray Garaaddada Sool

Hargeysa (aftahannews):- Garyaqaan Maxamed Jaamac oo ka mid ahaa Xildhibaannada Golihii hore ee Wakiillada Somaliland ee 16ka sano fadhiyey, ayaa ku taliyey in Dastuurka Somaliland la furo, laguna daro qodob samaynaya Raysal-wasaare awood leh.

Garyaqaan Maxamed Jaamac, waxa uu sheegay inaanay dadka gobolka Sool ee uu ka soo jeedaa door ku lahayn Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana aanay u codaynin. Sidaas awgeed loo baahan yahay in dib loo furo Dastuurka, si loo xalliyo tabashada ay ka qabaan saamiqaybsiga Somaliland.

Waxa kale oo uu Garyaqaanku talo u soo jeediyey Garaaddada Sool ee Laascaanood shirku uga socdo, oo uu ugu baaqay inaanay cuqdad Taliesin.

Garyaqaan Maxamed Jaamac oo Hargeysa ugu warramay Horyaal TV, ayaa arrimahaas iyo kuwo kale kaga hadlay wareysiga uu bixiyey.

Waxaanannu waraysigaas oo uu qodobbo badan oo muhiim ah kaga hadlay idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-