Cadami iyo Abees oo ku adkaystay saxnimada Liiska ay shaaciyeen ee Hoggaanka KULMIYE qaaddacay

Hargeysa(Aftahannews):- Xubno ka tirsan Guddigii Shir-guddoonka Shirweynihii saddexaad ee Xisbiga KULMIYE, ayaa gaashaanka ku dhuftay eedaymo ay Hoggaanka Xisbigaasi shalay u jeediyeen oo ay ku qaaddaceen sharcinnimada Liisaska Guddiga Fulinta iyo Golaha dhexe ee KULMIYE oo ay habeen-hore shaaciyeen, kuwaasoo ay ku tilmaameen awoodo aanay lahayn iyo sharci-darro ay ku dhaqmeen.

abees2WASIIR CADAMI 1

Hase-yeeshee, Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo ahaa Guddoomiyihii Shir-guddoonka Shirweynaha saddexaad ee KULMIYE iyo Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada Maxamed Muuse Abees oo isaguna xubin ka ahaa Xubnihii Shir-guddoonkaas, ayaa Shir Jaraa’id oo ay maanta ku qabteen magaalada Hargeysa, waxay ku sheegeen in sifaha ay u mareen shaacinta Liisaska Guddiga Fulinta iyo Xubnaha Golaha dhexe ee KULMIYE ay tahay sharci iyo tallaabo ay u oggol yihiin qodobbada Dastuurka Xisbiga u degsan.

Haddaba, hadallada ay Wasiirka Gaashaandhigga iyo Wasiiru-dawlaha Madaxtooyadu ay ka jeediyeen Shirkaas Jaraa’id oo ay deedifaynta Hoggaanka Xisbiga si adag ugu naqdiyeen Codadkooda halkan hoose AFTAHAN RADIO ka dhegayso.

Cabdifataax I. Mursal

Aftahaninc@gmail.com

mrmursal@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland