Laascaanood: Shirka Madaxda Dhaqanka u Furmay Maxaa ka Soo Bixi Kara?

Laascaanood (aftahannews):- Shir ay sheegeen inay aayahooda siyaasadeed kaga tashanayaan Madaxda dhaqanka gobolka Sool iyo qaybo ka mid ah Sanaag iyo Cayn, ayaa maanta ka furmay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Shirkan oo maalmihii lasoo dhaafay ay qaban qaabadiisu ka socotay magaalada Laascaanood ayaa hada furmay, madasha uu shirku ka dhacayo ayaa lagu sharaxay calamada Soomaliya iyo ka khaatumo, waxaana la saadaalinayaa in ay kasoo baxaan go’aamo ka dhan ah Somaliland.

Xukuumada Somaliland ayaa iyadu ogolaatay in uu shirkani qabsoomo, iyadoo madaxda Somaliland iyo saraakiisha ciidankuna ay magaalada gees kaga suganyihiin, isla markaana wax is afgarad ah lagama gaadhin wadahadalo dhinacyadu yeesheen.

Guddi ka kooban 33 xubnood oo ay madaxda dhaqanku u magacaabeen hogaaminta shirka, ayaa horay ugu baaqay in ciidamada Somaliland dhulka SSC ka baxaan, millateriga ayaa dhankiisa sheegay in anay gobolka ka baxaynin, isla markaana ay gobolka iyagu gacanta ku hayaan.

Ilaa hada ma muuqato wax waan waan ah oo dhinacyada layskugu soo dhawaynayo, isla markaana Garaad Jaamac Garaad Cali, oo ah garaadka guud ee beelaha shiraya, ayaa Jabuuti iyo Soomaaliya ugu baaqay in ay Somaliland ku qanciyaan in ay gobolada SSC ka baxdo.

Madaxda dhaqanka ee goboladan ayaa u xusul duubaya in ay yagleelaan maamul u gaara dhulka ay dagaan beelahoodu, maamulkan oo dhowr jeer oo hore laysku dayay in la sameeyo ayaan lagu guulaysan.

Waxa isha lagu hayaa waxa ka soo bixi doona shirkan, oo la filayo in uu muddo ku siman 3 maalmood ka socdo magaalada Laascaanood.

Xigasho Hiiraan.com.