Madaxweynaha Soomaaliya oo Kulan la Qaatay Waalidiinta Ciidanka lagu Tabobbaray Eritrea

Muqdisho (aftahannews):- Madaxweynaha Soomaaliy Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa caawa kulan la qaatay Waalidiinta Ciidanka tabobbarrada ku soo qaatay dalka Eritrea.

Warsaxaafadeed caawa ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay warbaahinta aftahannews.com, waxa uu dhignaa sidatan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa galabta oo Jimce ah kulan xog-warran ah la qaatay guddiga Waalidiinta Ciidanka Soomaaliyeed ee tababbarka ku qaatay Dalka Ereteriya.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ciidanka inta maqan ay dalka dib ugu soo laabanayaan, isla marka ay soo dhameystaan tababarooda si ay u gutaan waajibka qaran ee sida geesinnimada leh iyo dal-jacaylka ay u qaadeen.

Madaxweynaha ayaa waalidiinta u xaqiijiyay fulinta ballan-qaadkiisii ku aaddanaa in ay dib ula midoobaan ubadkooda, islamarkaana ciidamadu ay helaan waqti ay la qaataan qoysaskooda iyo ehelkooda.

Dhankooda, waalidka uu la kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad-celiyey mudnaanta uu siiyey xaaladda ubadkooda iyo sida degdegga ah ee uu u fuliyay balanqaadkiisii, taas oo daweysay tabashada iyo walwalka ay qabeen, waxa ayna muujiyeen faraxaddooda ku aaddan in ubadkoodu ay ka qeyb-qaadan doonaan halganka dalka lagga xoreynayo Khawaarijta Al-shabaab.” Sidaa ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada villa Somalia.