Dowlad-deegaanka Soomaalida oo Ruqsadda kala Noqotay Warbaahinta Soomaaliga Ku Hadasha

Jigjiga (aftahannews):- Madaxweynaha Dowlad-deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar), ayaa albaabada u xidhay, isla markaana Ruqsadaha kala noqday MM Somali TV, BBC News Somali, Universal Somali TV iyo dhamaan warbaahinta ku hadasha afka Soomaaliga ee deegaanka ka hawl-galaysey.

War-saxaafadeed caawa fiidkii ka soo baxay xafiiska warfaafinta deegaanka, ayaa lagu sheegay in ay fulinayaan amar uga yimid dawladda federaalka Itoobiya.

Haseyeeshee, Siyaasiyiin Jigjiga ku sugan, ayaa warbaahinta aftahannews.com u xaqiijiyey in Madaxweyne Mustafe Cagjar uu ka dalbaday wakaaladda warfaafinta heer federaal inay u soo qoraan warqad uu marmarsiiyo uga dhigto inuu Deegaanka ka saaro warbaahinta Soomaalida.

Si kastaba ha ahaatee, go’aankan ayaa imanaya xilli ay soo baxayaan musuqmaasuq baahsan oo lagu eedaynayo Mustafe Cagjar iyo xubnaha ugu dhadhow ee Xukuumaddiisa, sidoo kalena ay deegaanka ka jiraan abaaro dad u dhinteen. Waxaana la rumaysan yahay in go’aankan lagaga hortegayo in Saxaafaddu hesho xogta dadka abaaraha u dhimanaya iyo xogaha muhiimka ah ee deegaanka Soomaalida.

Liiska Hay’adaha Warbaahineed ee Ruqsadaha shaqo ay kala noqotay Dowlad-deegaanka Soomaalida oo adeegsanaysa dowladda federaalka Itoobiya oo aftahannews helay waxa uu u dhignaa sidatan hoos ku qoran ee ka bogasho wacan:-