Home Wararka “Garaaddada Baabuurta ku Soo Dhaweeyey Laascaanood waa Kuwa Ciidanka Qaranka Somaliland..” Taliye...

“Garaaddada Baabuurta ku Soo Dhaweeyey Laascaanood waa Kuwa Ciidanka Qaranka Somaliland..” Taliye Nuux Taani

Hargeysa (aftahannews):- Taliyaha Ciidanka Millateriga Somaliland Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani oo ay weheliyaan Saraakiil ka tirsan Ciidammada kala duwan ee Qaranka, ayaa maanta ka hadlay xaaladda magaalada Laascaanood oo Garaaddada Sool iyo Buuhoodle soo dhawayn loogu sameeyey maalmihii u dambeeyey.

Taliye Nuux Ismaaciil Taani wuxuu ka hadlay Soo-dhaweyn magaalada loogu sameeyey Garaaddada Beelahaas dega gobollada Buuhoodle iyo Sool oo gaadiidkii lagu qaabilay ay saarnaayeen lagu xardhay Calanka Soomaaliya, waxaanu taliyuhu sheegay in Ciidanka Qaranka Somaliland qayb ka ahaa soo-dhaweynta Garaaddada oo ay ammaankooda sugayeen.

Hadalka Taliyaha Ciidanka Qaranka iyo Saraakiisha kaleba, kaga bogo Muuqaalka Hoose:-