Weerar khasaare xooggan dhaliyey oo lagu qaaday Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya

Muqdisho(Aftahannews):- Dhismaha Baarlamaanka Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa weerar lagu soo qaaday iyadoo xildhibaanada ay ku jireen fadhigii caadiga ahaa.

120820201038_somali_mps_304x171_au_nocredit

Ugu yaraan hal qarax ayaa la maqlay, waxaana xigay dhawaqa rasaas xoogan oo la iksu weydaarsanayey gudaha dhismaha baarlamaanka, sida ay faafisay laanta afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da oo aannu warkan ka soo xigannay.

Mid ka mid ah xildhibanaada ka qeyb-galayey fadhigii maanta Cabdiladhiif Sanyare oo ku jiray gudaha baarlamaanka ayaa BBC-da u sheegay in markii qaraxa la maqlay la joojiyey fadhigii, kadibna la bilaabay in xildhibaanada laga saaro dhismaha.

Ma cadda wali khasaaraha ka dhashay weerarkan. Dhismaha waxaa ilaaliyo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM. Kooxda Shabaab ayaa sheegatay in ay ka dambeysay weerarkaasi.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.