Mareykanka oo Sheegay inuu Dilay 30 Dagaalyan oo Al-shabaab ka Tirsanaa

Galcad (aftahannews):- Dowladda Mareykanka, ayaa sheegtay inay 30 Dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab ay Diyaaradeheeda Drown ku ku dileen duqeyn laga fuliyay duuleedka deegaanka Galcad ee gobolka Galgaduud ee dalka Soomaaliya.

Duqeyntaan diyaaradeed, ayaa la sheegay inay ka dhacday deegaan qiyaas ahaan magaalada Muqdisho kaga beegan dhinaca Waqooyi-Bari illaa 260 KM, iyadoo Taliska Africom uu sheegay in ugu yaraan 30 xubnood oo ka mid ah Al-shabaab lagu dilay duqeynta, isla markaana lagu burburiyay illaa sadax Baabuur.

Qoraalka Taliska Africom ka soo baxay, ayaa sidoo kale lagu sheegay in duqeynta ay aheyd mid lagu caawinayay Ciidammada dowladda Soomaaliya, ka dib weerarkii Al-shabaab Shalay ku qaadeen fadhiisinkii Ciidanku ku lahayeen deegaanka Galcad oo lagu dilay Taliye Ku-xigeenkii Ciidanka Danab iyo Askar kale oo ka tirsan Ciidanka dowladda Soomaaliya.

Warkan ka soo baxay Taliska Africom, ayaa ku soo beegmaya, iyadoo warsaxafadeed ka soo baxay dowlada Fedaraalka Soomaaliya lagu xusay in ciidanka xoogga dalku ay iska caabbiyeen weerarka Shalay ka dhacay Galcad oo ay ku dhinteen 7 ka mid ah Askarta dowladda, isla markaana Al-shabaab halkaas lagaga dilay in ka badan 100 xubnood.

Dowladda Mareykanka, ayaa ka mid ah dowladdaha sida tooska ah dowladda Soomaaliya kaga caawiya dhanka duqeymaha diyaaradaha howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda gobollada dalka Soomaaliya.