Somaliland: Xukuumadda oo Sheegtay Cidda ka Dambaysa Dilalka Laascaanood iyo Halka ay Wax Marayaan

Hargeysa (aftahannews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa Beesha Caalamka u dirtay Warqad ay ugu faahfaahinayso Dhacdooyinka magaalada Laascaanood iyo Cidda leh Masuuliyadda Dilalka halkaa loogu geysto Hal-doorka Bulshada Sool iyo Masuuliyiinta Dawladda.

Warqad uu ku saxeexan yahay Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud, ayaa lagu sheegay in xallinta rabshadihii dhawaan ka dhacay Laascaanood ay Xukuumaddu qaadday Tallaabooyin muhiim ah, sida inay siiddaysay Maxaabiis loo qabtay Rabshadihii Laascaanood, Wadahadallo ay la yeelatay Madax-dhaqameedka gobolka iyo in ay labada Aqal ee Guurtida iyo Wakiilladu Magacaabeen Guddiyo ka qayb-qaata xallinta tabashooyinka jira.

Sidoo kale, Warqadda ayaa lagu sheegay in Cidda ka dambaysa, isla-markaana geysata dilalka Shirqoolka ah ee Laascaanood ka dhacaa ay yihiin kooxo Argaggixiso ah, kuwaas oo doonaya inay galaangal ku yeeshaan Bulshada, dilalkaasina soo taxnaayeen illaa sannadkii 2009.

Wasaaradda arrimaha dibeddu waxay sheegtay in illaa xilligaa Laascaanood lagu dilay 40 Qof oo isugu jira Madaxda dawladda ee gobolka iyo Mudan kale oo Bulshada ka mid ah, kuwaas oo 24 ka mid ahi ahaayeen Madaxda Dawladda ee gobolka Sool.

Warqaddan Xukuumadda Somaliland u dirtay Beesha Caalamka, ayaa sidoo kale lagu sheegay in Laamaha amniga ee Dawladdu ay dilalkaasi u qabteen illaa 32 Qof oo lagu sheegay Argaggixiso Masuul ka ahaa dilalka, isla-markaana la xukumay.

Wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland, waxa kale oo ay sheegtay in dhacdooyinka Laascaanood ka dhacay Toddobaadyadii tagay aanay ahayn kuwii ugu horreeyay ee noocooda ah, balse kicinta Dadweynuhu ay ka mid tahay Xirfadaha ay kooxaha gudaha ee Mayalka adag, isla-markaana doonaya inay Gobolka Ku fidaan ay adeegsadaan, si ay lumiyaan xogtooda, iyagoo abuuraya borobagaando, si ay shaqaaqooyin u dhacaan.

Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud, wuxuu ku sheegay Warqadda uu beesha Caalamka u diray in Xukuumadda Somaliland ay ka go’an tahay in la soo afjaro dhibaatada Laascaanood ka taagan oo uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi u magacaabay Guddi Wasiirro ah oo uu Hoggaaminayo Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed, Guddigaas oo illaa hadda ku sugan magaalada Laascaanood ee xaruntagobolkaSool.