Madaxweynaha Turkiga oo dhexdhexaadinaya Ruushka iyo Ukrain

Ankara (aftahannews):- Madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan, ayaa weli ku dedaalaya inuu dhexdhexaadiyo dowladaha Ruushka iyo Ukrain, si wadadal loogu soo afjaro dagaalka Ruushku ku qaaday Ukraine Febraayo 2022-kii.

Madaxweynaha Turkiga, mar labaad ku celiyay dalabkii uu ku doonayay inuu ku dhex-dhexaadiyo Ruushka iyo Ukraine mar uu taleefoon kula xidhiidhay Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy Jimcihii, sida ay xaqiijisay madaxtooyada Turkigu.

Erdogan, ayaa hore u sheegay inuu diyaar u yahay inuu isu keeno Putin iyo Zelenskiy, isaga oo hore ugu cadaadiyay Ruushka xabbad-joojin hal dhinac ah, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Turkiga, ayaa sidoo kale sannadkii hore martigeliyay wahadalladii dhoofinta Qamaddiga oo ay sidoo kale qeyb ka aheyd Qaramada Midoobay.

Sida ay sheegtay madaxtooyada Turkigu, Madaxweyne Erdogan, ayaa sidoo kale tacsi u diray dadkii ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay Ukraine Arbacadii.