Somaliland oo Si Kulul ugu Jawaabtay Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya

Hargeysa (aftahannews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaantay in Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya, uu Somaliland uga hadlo sidii gobol ka mid ah Soomaaliya.

Qoraal lagu baahiyay bogga Twitterka ee Wasaarada Arrimaha Dibedda Somaliland, ayaa lagu sheegay in Safiirku isaga oo ogsoon in Berbera aanay xukumin dowladda Soomaaliya uu haddana xidhiidh ka dhaxaysiiyay Berbera iyo Soomaaliya.

“Waa wax aan la aqbali karin in Larry Andre oo ah Safiirka Maraykanka ee Muqdisho uu si joogto ah uga fogaado in uu Somaliland ugu yeedho magaceeda saxda ah oo uu ku tilmaamo gobol ka mid ah Soomaaliya, isla markaana uu Berbera la xidhiidhiyo Soomaaliya. In kasta oo uu si fiican u og yahay in Somaliland aanay ahayn gobol ka mid ah Soomaaliya”.

Hadalkan, ayaa daba socda qoraal shalay kasoo baxay Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya, kaas oo lagu sheegay in Maraykanka iyo xulufo kale ay Berbera ku samayn doonaan dhoollatus Millateri, qoraalkaas oo aan meelna lagaga xusin magaca Somaliland.

Maraykanka iyo Somaliland, ayaa la filayaa in ay dhawaan yeeshaan iskaashi Millateri iyo mid siyaasadeed, kadib markii uu Madaxweyne Biden saxeexay xeer oggolaanaya in labada dhinac wada shaqeeyaan.

Saraakiil ka socda Taliska Ciidammada Maraykanka ee Jabuuti, Afrika iyo Xubno kale oo xulafadiisa Afrika ka mid ah, ayaa Jimcihii yimi Berbera, iyagoo la kulmay Saraakiil ka tirsan Ciidammada Millateriga Somaliland, waxaanay ka wada-hadleen tabobbarro Maraykanku siinayo Ciidammada Somaliland iyo dhoollatus Millateri oo Maraykanka, Somaliland iyo illaa 20 dal oo kale ku wada samayn doonaan magaalada Berbera ee Somaliland.