Xaraardheere (aftahannews):- Ciidammada xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwa Maamulka Galmudug iyo Shacabka is abaabulay si nabad ah ula wareegay degmada qadiimiga ah ee Xarardheere ee Koonfurta gobolka Mudug.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur, ayaa sheegay in ay ku guulaysteen inay Al-shabaab ka xoreeyaan degmooyinka Xarardheere iyo Galcad, isagoo sheegay inay yihiin labo degmo oo aad muhiim u ah.
Wasiirka Gaashaandhigga oo la socday Ciidammada dib u xoraynta Galmudug, ayaa sheegay inay shacabka Soomaaliyeed ka dulqaadeen culayska Al-shabaab ay ku haysay muddada dhowr iyo tobanka sano.
Sidoo Wasiirku waxa uu sheegay maalmaha soo socda in la xorayn doono dhammaan deegaannada Galgaduud ee Al-shabaab gacanta ugu jira.
Xarardheere waxay kamid tahay magaalooyinkii ugu horeeyay ee Shabaabku qabsadaan, waxaana la aaminsan yahay inay ahayd xarumaha waawayn ee Shabaab ee lagasoo abaabuli jiray weerarada argiggixiso.