Agaasimaha CIA-da Mareykanka oo Booqasho Qarsoodi ah ku Tegay Liibiya

Tripoli (aftahannews):- Madaxa Hay’adda Sirdoonka Maraykanka (CIA) William Burns ayaa safar naadir ah ku tagay dalka Libya Khamiistii, isagoo Tripoli kula kulmay Ra’iisul Wasaare Abdulhamid al-Dbeibah, sida ay sheegtay dowladda Libya.

Xukuumadda Midnimada Qaran ee Dbeibah ayaa bogga ay ku leedahay Facebook ku shaacisay booqashadan, iyadoo soo bandhigtay sawirka Burns iyo Dbeibah oo wadajira. Laba ilo oo ku dhow taliyaha bariga Libiya Khalifa Haftar, oo fadhigiisu yahay Benghazi, ayaa sheegay in Burns uu sidoo kale la kulmay.

CIA-da, oo aan si joogto ah u shaacin booqashooyinkan oo kale, ayaa diidday inay ka hadasho booqashadan.

Liibiya waxaa ka jiray nabad yar tan iyo kacdoonkii NATO ee 2011-kii, waxaana waddanku u kala qaybsamay kooxaha bariga iyo galbeedka sanadkii 2014, iyada oo ugu dambeyntii Haftar uu weerar ku qaaday Tripoli sanadkii 2019.

Xukuumadda Dbeibah ayaa lagu soo dhisay hannaan ay Qaramada Midoobay taageertay sannadkii 2021-kii, taasoo qayb ka ahayd qorshe nabadeed, balse maamulkiisa ayaan hadda aysan aqoonsanayn kooxaha siyaasadda ee bariga, iyada oo dad badan oo Liibiyaan ahna ay ka baqayaan dagaal cusub.

Maraykanka ayaa horey u sheegay in uu ka walaacsan yahay doorka uu Ruushku ka ciyaarayo colaadda Liibiya, waxaana laga cabsi qabaa in xasillooni darrida ka jirta waddamada xubinta ka ah OPEC ay saameyn ku yeelato tamarta caalamka.

Xigasho Voasomali.com.