Booliiska Talyaaniga oo Qabtay Hoggaamiyihii Maafiyada oo 30 Baxsad ahaa

Booliska la-dagaallanka Maafiyada ee Talyaaniga, ayaa maanta gacanta ku dhigay Aabbaha ugu weyn Maafiyada Talyaaniga Matteo Messina Denaro, kaas oo qabashadiisa lagu tilmaamay inay soo geba-gebeysay 30 sano oo ugaadhsi ah.

Messina Denaro, oo 60 jir ah, ayaa hormuud u ahaa Cosa Nostra, Urur-dambiyeedka dhabta ah ee Sicily, ee lagu soo bandhigo Aflaamta Godfather.

Messina Denaro, ayaa laga soo qabtay “Gudaha xarun caafimaad oo ku taalla magaalada Palermo, halkaas oo uu u aaday daweyn.” Sidaa waxaa yidhi Taliyaha howlgallada gaarka ah Pasquale Angelosanto, sida ku qoran bayaan uu soo saaray Booliska.

Waxa uu Cusbitaalka ku jiray muddo sannad ah, isaga oo laga daweynayey kansarka ku dhaca mindhicirada, isla markaana wata magac been-abuur ah, sida ay baahiyeen VOA iyo AFP.

Messina Denaro iskama caabbiyin Booliiska markii ay isku dayeen inay soo xidhaan,  sida ay werisay wakaaladda wararka Talyaaniga ee ANSA.

Ra’iisul-wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni, ayaa sheegtay in Messina Denaro uu ahaa madaxa ugu muhiimsan Maafiyada, isla markaana xadhiggiisa oo ka dhacay gobolka uu kasoo jeedo ee Sicily uu guul weyn u yahay dagaalka uu Qaranku kula jiro kooxaha dambiyada abaabulan ee budhcadnimada ah sameeya.

Sawir ay sii daayaan Booliisku Talyaaniga, ayaa muujiyey Messina Denaro oo qeybta dambe ka fadhiya gaadhi, isla markaana xidhan koofiyad, okiyaalle iyo jaakad qaxwe ah.

Sawirkaas ka hor, sawirka kaliya ee laga hayey wuxuu ahaa mid la qaaday sagaashamaadkii. Waxa uu baxsad ahaa tan iyo 1993-kii.

Messina Denaro waxa uu kaalinta koowaad kaga jiray liiska dadka loogu raadiska badan yahay Talyaaniga ee Maafiyada lala xidhiidhiyo.

Messina Denaro, ayaa lagu tuhmayaa inuu ka dambeeyay qaraxyadii 1993-kii ka dhacay Rome, Milano iyo Florence oo ay ku dhinteen 10 qof, bilo uun ka dib markii Cosa Nostra ay weerarro isku mid ah ku dileen garsoorayaashii ka hortagga Maafiyada Giovanni Falcone iyo Paolo Borsellino.