Somaliland: Xildhibaannada Gobolada Sool iyo Buuhoodle oo Baaq soo saaray

Laascaanood (Aftahannews)- Xildhibaannada Baarlamaanka Somaliland ee gobolada Sool iyo Buuhoodle iyo Xildhibaannada Goleyaasha Deegaanka ee Degmooyinka Laascaanood, Taleex, Xudun iyo Buuhoodle oo maanta kulan xaasaasi ah ku yeeshay magaalada Laascaanood, ayaa soo saaray baaqyo iyo digniino la xidhiidha xaaladda gobolka Soil.
Kulankan, ayaa waxaa ay Xildhibaannadu ka soo saareen qoddobo la xidhiidha Nabadgalyada iyo Xasiloonida Gobolka Sool, wax ka qabashada dhibaatooyinkii ka dhacay Gobolka iyo Xaaladda dadkii ka barakacay magaalada laascaanood.
Xildhibaannada, ayaa tacsi u diray dadkii ku dhintay dibadbaxyadii ka dhacay magaalada Laascaanood, iyagoo sheegay in ay shacabka la qabaan dhaliilaha loo jeedinayo Xukuumadda Somaliland, marka ay noqoto sidii ay uga falcelisay dibadbaxyadii iyo dadkii masuuliyiinta u badnaa ee magaalada lagu laayay.
Waxaana ay sheegeen in ay ka shaqaynayaan wax ka qabashada xaaladda Laascaanood, waxaanay ka soo horjeesteen baaqii ay dhawaan soon saareen qaar ka mid ah Odayaasha magaaladu ee ku saabsanaa in ciidanku ka baxo gobolka.
Sidoo kale, Xildhibaannada, ayaa waxay digniin culus u direen dad ay tilmaameen in ay ka shaqaynayaan qallalaase abuur, iyagoo sheegay in ay dad gaar ahi siyaasadaynayaan arrinta amniga Laascaanood.

Waxaa kale oo ay sheegeen in ay soo dhawaynayaan shirwayne ay iskugu yimadaan Beelaha Gobolka Sool, si xal buuxa loogu helo dhibaatada taagan, waxa kale oo ay dhamaan isimada dhaqanka deegaanadaasi ugu baaqeen in ay Laascaanood yimaadaan.

Gobolada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle, ayay sheegeen in ay ka tirsan yihiin Somaliland, isla markaana shacabka ku nooli ay leeyihiin xuquuq lamid ah ta shacabka kale ee Somaliland, waxay dhinaca kale sheegeen in ay soo dhawaynayaan in xukuumaddu qaadato masuuliyada dadkii dhintay.
Xildhibaannada, ayaa ciidamada amaanka ay u soo jeediyeen in ay ka dheeraadaan ficilkasta oo shacabka dhibaato u keenaya, iyagoona shacabka uga digay in ay sameeyaan ficilo keeni kara in dhibaato soo gaadho.