Xasan Sheekh oo la kulmay Wasiirrada Maamul Goboleedyada Soomaaliya

Muqdisho (Aftahannews)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku qaabilay Madaxtooyada Soomaaliya, Wasiirrada Maaliyadda ee dowladda federaalka iyo Wasiirada Maaliyadda ee dowlad-goboleedyada, oo ay ka maqan tahay Puntland.

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa ugu horeyntii bogaadiyey natiijooyinka ka soo baxay shirkii maalmihii la soo dhaafay magaalada Muqdisho uga socday Wasaarada Maaliyadda iyo Wasaaradaha dowlad-goboleedyada.

Xasan Sheekh, ayaa tilmaamay sida ay lagama maarmaan u tahay sare u qaadidda nidaamyada maaliyeed ee Soomaaliya si wax looga bedelo nolosha dadka Soomaaliya, horumarna loo gaadhsiiyo Soomaaliya.

Wasiirada, ayaa dhankooda soo dhaweeyay howl-galada xoreynta deegannada Soomaaliya iyo horumarinta dadaalka loogu jiro horumarinta nidaamka maaliyadeed ee Soomaaliya.

Waxaa kulanka kasoo qeyb-galay, Wasiirka Maaliyadda dowladda federaalka Soomaaliya Cilmi Maxamuud Nuur, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Raaxo Maxamed Janaqoow, Farxaan Cali Maxamuud.

Sidoo kale, waxa qeyb ka ahaa; Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Galmudug, Xuseen Xirsi Axmed, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Jubbaland, Axmed Maxamed Xuseen, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Koonfur Galbeed, Cali Cabdulle Nuur, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda HirShabelle, Ciise Maxamud Guure, Guddomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobalka Banaadir.

Puntland oo iyadu dhawaan ku dhawaaqday inay u dhaqmeyso sidii dowlad madax-banaan, ayaa shirka Wasiirada Maaliyada dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada kasoo qeyb-galin, kaasi oo ka qabsoomay magaalada Muqdisho.